Mrs. Amina


Deeq lacageed la gaarsiiyey 10 caruur somaliyeed ah oo dhawaan cafimaad ahaan logu qaadi doono dalal Kenya iyo Ugaandha

Waxaa dhawaan la filayaa in 10 caruur ah oo qaba cuduro kale duwan kuwaasoo lagu daaweyn waayey dalka gudihiisa ayaa waxaa maalintii shalay ahayd lacag deeq ah soo gaarsiiyey C/qaadir Cali Salaad oo ku nool dalka Ingiriiska gaar ahaan Magaalada London wuxuu lacagtaas usoo marsiiyey Hay’add SSWC xafiiskeeda magaalada muqdisho waxayna lacagtaas gaareysay $550 doolar.

Hindi Axmed Faarax oo ah Kusimaha Gudoomiyaha Hay’adda SSWC ayaa lacagtaas waxaa ka gudoomay Sahro Maxamed Axmed oo ah Agaasimaha Hay’ada COGWO munaasabad ka dhacday xarunta SSWC ayaa waxaa ugu horeyn halkaas ka hadlay Hindi Axmed Faarax oo ah kusimaha gudoomiyaha SSWC oo iyada umahadcelisay C/qaadir Cali Salaad waxayna usoo jeedisay dadka soomaaliyeed ee dibadaha ku nool ineey ku dayadaan gacana ka geestaan taakulaynta caruurtaas oo aan waalidkood awood ulahayn ineey dibadda geeyaan caafimaad ahaan, Sahra Axmed Maxamed oo ka socotay ayaa iyadana ka mahadcelisay deeqda lacageed, sidoo kale munaasabadaas waxaa ka hadlay Muxubo Aaden Cali oo ku umahcelisay intii gacan ka geesatay deeqdaas lacageed iyadoo gaar ahaan mahad balaaran ucelisay hindi Axmed Faarax oo soo abaabushay munaasabada deeqda lacgeed lagu wareejiyey.

Ugu dambeyntii munaasabada deeqda lacgeed lagu gudoonsiinaayey caruurtii loo qaadayey Kenya iyo Ugaandha waxaa baaq ka soo jeedisay kusimaha Gudoomiyaha Hay’adda SSWC Hindi Axmed Faarax iyadoo ugu baaqday dhamaan jaaliyadaha ku nool wadamada dibadda iyo dadka ka shaqeeya samafalka in ay isku xilqaamaan in ay gacana ka geestaan boqaal caruur kale oo hayaan xanuuno aan dalka gudighiisa aan wax looqgu qaban Karin.

Daawo Sawirada Deeqdaasi (Riix Halkaan)


Save Somali Women and Children - MOGADISHU-SOMALIA


Copyright ©2006 SSWC
Designed and Hosted by AfroTech